Labo Nin Oo Halis Galiyay Diyaarad Rrakaabki Saarnaa Oo Lagu Xiray Dalka UK.

Diyaaradda oo ay leedahay shirkadda lagu Magacaabo RynaAir ayaa duullimaadkeedi si degdeg ah u joojisay kaddib marki suuliga diyaaradda laga helay farriin sheegeysa in diyaarad bam uu ku xiran yahay.

Diyaaradda ayaa kasoo duushay Magaalada Krakow iyada oo ku sii jeedday magaalada Dublin, waxaana ay si deg deg ah ugu degtay Garoonka Stansted ee Essex ka dib markii cabsi soo wajahday duulimaadka.

Dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda ayaa si nabad ah uga degay ka dibna Ciidanka Booliska ayaa baaris ku bilaabay , waxaana ay sheegeen iney diyaaradda ilaa iyo hadda iney ka helin bamka looga shakisanaa.

Booliskuna waxay xireen laba qof oo looga shakiyey iney diyaaradda iyo rakaabki saarnaaba halis geliyeen.

Ciidanka Booliska ayaa xabsiga dhigay labo ruux oo da’dooda lagu sheegay 26 iyo 47 jirro , waxaana looga shakisan yahay falka cabsi galinta ee Shacabka in ay soo abaabuleen.

“Diyaaradda iney si caadi ah u soo cagadhigatay, balse diyaaradda la geeyey meel cidhif ah iyada oo rakaabki diyaaradda saarnaa oo dhan si nabad ah ay uga soo dageen.”ayuu yiri Afhayeen u hadlay diyaaradda.