Kuuriyada Waqooyi Oo Tijaabisay Gantaal Casri ah.

Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay gantaal ballistic ah oo ah nooca badda hoosteeda lagu rido ay ku riday badda dhacda bariga gacanka Kuuriya.

Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa si adag u canbaareeyay tijaabooyin is xig-xigay ee ay xukuumadda Pyongyang ku kacdo, waxayna tijaabadani kusoo beegmaysaa maalmo uun ka hor dhaarinta madaxwaynaha cusub ee Kuuriyada Koonfureed Yun Sook-yeol.

Madaxwaynaha Cusub ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ballaan-qaaday in uu si adag ula dhaqmi doono Kuuriyada Waqooyi.

(Visited 2 times, 1 visits today)