Kuriyiinta Suuriya Oo Loogu Baaqay Inay Xukuumada Asad La Midoobaan.

Ku xigeenka Wasiirka Arimaha Dibada ee Syria Faisal Mekdad ayaa ugu baaqay Kuriyiinta Suuriya in ay ku soo biiraan xoogaga Dawlada ee Bashar Al-asad, halkii ay kaligood naftooda haligi lahaayeen oo ay ubabac dhigi lahaayeen Turkiga, waxna uu hadalkani jawaab u yahay duulaanka la filayo in uu Turkigu ku soo qaado Suuriya.

“Wadanku waxa uu soo dhawaynayaa muwaadiniintiisa, Dimishiq-na waxa ay diyaar u tahay inay xaliso mushkilada haysta dadka reer Suuriya, iyada oo ku xalinaysa xal dan u ah dalka iyo dadkaba oo aan qasab iyo jujuub ahayn” ayuu yidhi Faisal Mekdad oo waraysi siiyay Al-Watan.

Dawlada Suuriya waxa ay diyaar u tahay inay difaacdo dhamaan dadka reer Suuriya mana aqbalayso in talaabo ka mid ah dhulkeeda la qabsado” ayuu yidhi Wasiirka oo u jawaabayay Turkiga.

Hadalkan ka soo yeedhay Wasiirku xigeen Mekdad ayaa noqonaya kii u horaysay ee ka soo baxa masuuliyiinta Suuriya tan iyo markii uu Axadii la soo dhaafay Maraykanku ku dhaqaaqay inuu ciidamadiisa kala baxayo Suuriya