Kulan Xaasaasi ah Oo Dhexmaray Barasaabka Awdal Iyo Odayaasha Reer Nuur.

Kulan xaasaasi ah ayaa maanta xarunta gobolka Awdal ku dhexmaray odayaasha beesha Reer Nuur iyo Barasaabka gobolka mud. Cabdiraxmaan Axmed Cali,waxaana diirada lagu saaray jabhad la sheegay inay ka bilaabantay deegaanka Waalgoo iyo eeriyo Dila. Sida ay xasiifka shabakada ee Canada u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo ka cudurdaartay in la xuso magacooda

Kulankan oo ay saxaafadu dibad jog ka ahayd ayaa lagu soo waramayaa in uu jawi cakiran ku bilaabmay, balse markii dambe la isla soodagay diiradana lagu saaray arimaha amniga,waxuuna Kulankan maanta uu daba socdaa kadib markii ay soo shaac baxday in Jabhad hubeysan oo ka soo horjeeda xukuumada Muuse Biixi ka dilaacday deegaanada Dilla, kuwaasoo lala xiriirinayo haybta beeshan uu maanta la kulmay Badhasaabku.

Ilaha Kulankan ayaa waxay sheegayaan in odayaasha reer Nuur ay ka dhiidhiyeen xadhiga xildhibaanada waxayna ku tilmaameen mid sharci daro ah, iyadoo intii uu shirkani socday labada dhinac isla qaateen tabashooyinka beesha oo sanadihii ugu denbeeyay aysan waxba ka qaban dawlada.

Ugu denbayntii ayaa Ilaha waxay ay sheegayaan in lagu heshiiyay in mudo todobaad ah  la siiyo odayaasha si ay u kala diraan dhalinyarada jabhada taasi badalkeenada in odayaasha la horgeeyo madaxwayne biixi si ay uga la hadlaan tabashada beeshu qabto.