Kornayl Caare Oo Soo Bandhigay Qodobo Ay Isla Meel Dhigeen Odayaashii U Tagay.

Kornel Siciid Cawil Jaamac (Caare) ayaa faahfaahin ka bixiyey wada-hadallo uu kula jiro dawlada Somaliland,

isagoo ugu horyna tacsi udiray dad dhawaan lagu laayay deegaanka ceel-afwayn

Korneyl Caare ayaa sheegay in isaga iyo dawlada Somaliland ay u socdaan wada-hadallo guul laga gaadhay

Wuxuu shaaciyey in la isla gartay saddex qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:

1 In nabad la raadiyo

2 in xabad joojin la sameeyo

3 in wada-hadallo la furo.

Dhinaca kale Kornayl Caare ayaa eedo ujeediyay Suldaan Maxamed Xirsi Qani.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhawaan odayaasha dhaqanka ee gadhwadeenka ka ah wada-hadalladan ay shaaciyeen in Korneyl Caare uu aqbalay inuu la heshiiyo Somaliland.