Kooxda Madaxwaynaha la Doortay Ee Ruto Oo ka Falceliyay Eedeymihii Raila Odinga.

Siyaasiinta xulafada la ah madaxweynaha la doortay Kenya, William Ruto, ayaa beeniyay hadalkii uu yiri dhigooda uu xifaaltanka ka dhaxeeya ee Raila Odinga, kaas oo waxba kama jiraan ka soo qaaday natiijada doorashada.

Musalia Mudavadi oo u hadlayay kooxda ruto ayaa raadiyaha BC Focus on Africa u sheegay in eedeymaha Odinga ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin, isagoo arimahaasi ka hadlayay ayaa yiri:

“Waxaa jira tira yar oo dad ah oo mar kasta dood ka keena natiijada doorashada”.

Raila Odinga oo maanta hadlay, ayaa waxaa uu natiijadaasi ku tilmaamay sharci darro, isagoo dhanka kalena cambaareeyay guddomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka, Wafula Chebukati, oo uu ku eedeeyay inuu shaaciyay natiijo guddigu uusan u dhameyn.

Balse Mr Musalia Mudavadi ayaa sheegay in xubnaha guddiga doorashada aysan go’aamin natiijada doorashada.

Raila Odinga ayaa sheegay inuu maxkamadda geyn doono dacwad.

(Visited 4 times, 1 visits today)