Koox Hubeysan Oo 24 Qof ku Dishay Afganistaan.

Ugu yaraan 24 qof ayaa lagu dilay 42 qof oo kalane waa ku dhaawacmeen dagaal Afghanistan ku dhexmaray ciidamada amniga iyo dabley Islaamiyiin ah oo hubeysan, kuwaa oo weeraray xabsi ku yaala bariga Wadankaasi.

Afhayeenka isbitaalka gobolka Nangarhar Zaher Adel ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in ilaa iyo hada la dilay 24 qof oo ay ku jiraan Ciidamada ammaanka.

Gaari waxyaabaha Qarxa lagasoo Buuxiyay ayaa Markii hore lala beegsaday Albaabka lagasoo galo Xabsiga Caasimada Jalaalabad ee Gobolka Naghar,taasi oo Qiyaastii dhanka Galbeedka 115 Km Kabul kaga beegan.

Kooxda Weerarka soo qaaday ayaa markaa kadib Rasaas huwiyay Ciidamada Amniga oo Xarunta Waardiye ka Haayay.

Xabsiga Maxaabiista kujirta oo gaaraya 1,500 maxbuus, ayaa la rumeysan yahay badi in ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish.

Idaacadda wararka ee IS, Amaq, ayaa ku dhawaaqday in dagaalyahannadeeda ay ka dambeeyeen Waxa ay ugu yeereen afgambiga xabsiga, sida laga soo xigtay.

Weerarkaan ayaa imaanaya Maalin Kadib markii Wakaalada Sirdoonka Afghanistan ay sheegtay in sargaal sare oo katirsan Kooxda Daacish ay dileen Ciidamada gaarka ah ee Afghanistan meel udhow Jalaalabad.