Kolonyo Uu la Socday Ex Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Lagu Rasaaseeyey Muqdisho.

Iska horimaad culus ayaa galabta ka dhacay degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho kaasoo dhexmaray ciidamo ka tirsan DF iyo ilaalada Madaxweynihii hore ee Somalia Xassan Shiikh Maxamuud.

Sida Wararku sheegayaan iska horimaadka oo muddo kooban socday ayaa yimid ka dib markii ciidamada dowlada ee ku sugan Kontrolka Maxkamada gobolka Banaadir ay rasaas isweydaarsadeen ilaalo la socotay gaadiid gelbinayey Madaxweyne Xassan Shiikh oo halkaas marayey.

Lama oga qaabka uu ku bilowday iska horimaadkan iyo khasaaraha ka dhashay hase ahaatee ciidamada labada dhinac ayaa isweydaarsaday rasaas socotay muddo daqiiqado ah oo argagax gelisay shacabka degan degmooyinka Xamar jajab iyo Xamar-weyne.