Kiisaska Cusub Ee Caabuqa Coronavirus Ee Puntland Oo Maanta Kordhay.

5 qof ayaa cudurka corovirus laga heley Puntland maanta kaddib 11 qof oo la baaray, sida uu xaqiijiyey Wasiirka Caafimaadka.

Shanta ruux, qof kamid ah ayaa ah dumar, dhammaantood waa dhallinyaro aan safargelin, da’dooduna u dhaxayso 14-33 jirro.

Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa Sheegay in ay muuqato in Cudurka uu ku faafay gudaha Puntland.

Kiisaska laga helay Puntland ayaa hadda gaaraya Lix Ruux.

(Visited 1 times, 1 visits today)