Khilaaf ka Dhashay Is-dhexgalka Ciidamada Ahlu Suna iyo kuwa Galmudug Oo soo Shaac-baxay.

Wararka aan ka helnay gobolka Galgaduud ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in uu bilowday khilaaf dhinaca is-dhexgalka ciidamada Galmudug iyo ururka Ahlu Sunna.

Khilaafkan ayaa lagu sheegay inuu ka dhashay kadib markii ciidamadii Ahlu Sunna gaar ahaan kuwii deegaanka Xeraale ee dhowaan la qarameeyay islamarkaana lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Khayre ay diideen inay tababar ku qaataan xarun tababar oo dowlada federalka ka furtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Diidmada ciidamadan ayaa lagu sheegay inay tahay dagaalo hore u dhex mareen ciidamada ahlu sunna ee deegaanka Xeraale iyo ciidamada Maamulka Galmudug ee xaruntoodu tahay degmada Cadaado, taasoo sababtay in ay diidaan ka mid noqoshada ciidamada tababarka galaya.

Dowlada Federalka ayaa qorsheyneysa in maleeshiyaadkii hore uga mid ahaa ururka Ahlu Sunna in ay tababaro u sameyso isla markaana ay ka howlgalaan deegaanada Galmudug, balse ma cada halka uu khilaafkan sal dhigi doono

Leave a Reply