Khilaaf Gacan-ka-hadal Gaadhay Oo soo kala Dhex Galay Hayadii ASARDA Ee Gobolka Awdal.

Waxa soo ifbaxay khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Hayadii Hormarinta Wadooyinka Gobolada Awdal iyo Salal ee ASARDA, kadib markii uu gacan ka hadal dhex maray masuuliyiinta ugu saraysa todobaadkan horaantiisii.

Agaasimaha Fulinta ee haydadan ASARDA Yaasiin Qalinle ayaa waxa ay wararku sheegayaan in ay gacanta ula tageen Gudoomiyaha Hayada Cabdilaahi Xaaji Ciise iyo Ismaaciil Riiraash oo ka wada tirsan golaha Board-ka ee Hayadaas maalintii Sabtidii.

Masuulkan la feedh-feedhay ayaa hada la sheegayaa in lagu dabiibayo Cisbitaalka Horn ee Boorama halka labadan Masuul ee kalena loo badinayo in ay saldhiga dhexe ee Boorama ku xidhan yihiin.

Ma cada wali waxa uu salka ku hayo khilaafka u dhexeeyay masuliyiintii gacanta ku haysay hantida kaliya ee ay dadka reer Awdal wada lahaayeen, waxase ay wararku sheegayaan in xiisadu ay salka ku hayso lahaanshaha ASARDA iyo sida shaqada loo wadayo oo ay labadan garan isu haystaan.

Dhawaan ayay ahayd markii garabka Yaasiin Qalinle iyo Shiine dheere oo dhinac ah ay soo bandhigeen hindise odhanaya in boodhka hayada loo gacan galiyo ama lagu soo daro xubno qurbo joog ah, taas oo ay ka biyo diideen ganacsatadii kale ee gacanta ku haysay Boardka sare ee ASARDA.

Maalmihii u dambeeyay ayaa sidoo kale shaqada ay hayadu hayso ee dhinaca jidka isku xidha Borama iyo Lawyacado laga dareemayay jiritaanka khilaafkan, waxana kulankii u dambeeyay ee la qabtay ka maqnaa garabka ganacsatada ah oo aan looga baran in ay munaasabado noocan oo kale ah ka maqnaadaan, sidoo kalena waxa ka soo muuqday kulankaas, Agaasime Yaasiin Qalinle iyo Abuubakar Shiina Dheere oo isagu ah xubinta kaliya ee ka tirsan Boodhka ee ay isku afkaarta yihiin agaasime Yaasiin Qalinle.

Si kastaba ha ahaatee, murankan gacan ka hadalka gaadhay ayaa ah mid wiiqaya shaqadii dhinaca hormarinta jidadka, waxana uu soo shaac-saarayaa in reer Awdal ay wadajir u xabaalayaan hantidii kaliya ee ay wada lahaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *