Khilaaf Dhinaca Diinta Oo Ka Dhex Qarxay Culimada Somaliland.

Waxaa soo shaac baxay khilaaf xooggan oo u dhexeeya wadaadada Ictisaamka iyo Salafiyiinta ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

Wadaadada Ictisaamka ayaa lagu soo warramayaa inay ka caroodeen hadal uu sanadkii hore jeediyay Sheekh Cabdullaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi) oo kamid ah wadaadada Salafiyiinta.

Barbaraawi ayaa khudbo uu dhawaan jeediyay ku sheegay in ururka Al-Shabaab ee dagaalka ka wada Soomaaliya uu ka soo baxay “ilmo-galeenka Ictisaam”.

Wadaadada Ictisaam oo hadalkaa dhibsaday, isla markaana beeniyay inay xiriir la leeyihiin ururkaas ayaa dacwad ka dhan ah Sheekh Barbaraawi u gudbiyay wasaaradda diinta ee Somaliland.

“Waxaan bulshada u cadeyneynaa in aan beri ka nahay eeda iyo dhaleecaynta uu wadaadkaas dusha nooga tuuray ee ah in aanu jirin farqi noo dhexeeya anaga iyo Al-Shabaab,” ayuu yiri Sheekh Mustafe Aadan Maxamed oo kamid ah wadaadada Ictisaam ee Somaliland.

Sheekh Barbaraawi ayaa sheegay in looga yeeray wasaaradda diinta ee Somaliland, isla markaana uu hayo caddeymaha eedeynta uu u jeediyay Ictisaam.

“Waxaan diyaar u ahay in aan gole loo dhan yahay ku soo bandhigo doodayda ku aaddan arrinkaas,” ayuu yiri Sheekh Barbaraawi oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa.

(Visited 8 times, 1 visits today)