Khasaaro Dhimasho Oo ka Dhalatay Qaraxyo Ciidamada Amisom Lagu la Eegay Gobolka Sh.dhexe

Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib labo qarax oo ka dhacday duhurnimadii maanta deegaanka Buurane oo ka tirsan gobolka Sh.dhexe.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxyadan lala eegtay ciidamada AMISOM ee fariisimada ku leh deegaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahaday kuwaasoo ku sugnaa meel aan ka fogeyn saldhig ay ku leeyihiin deegaankaas.

Qaraxa koowaad ayaa geystey qasaare kooban halka markii ciidamo kale oo u soo gurmaday askartii wax ku noqotay qaraxa koowaad ay la kulmeen qarax kale.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxyadan ay ahaayeen kuwo dhulka lagu aaso waxaana ciidamada AMISOM ay qabqabteen dhalinyaro ku sugnaa halka ay qaraxyadu ka dhaceen.

Qaraxyada kadib Ciidanka ayaa howlgal ka sameeyay deegaanka Buurane oo hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,isla markaana waxaa kusoo qabteen dad u badan Dhalinyaro,kuwaasi oo ay uga shakiyeen falal amni darro.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiishan Ciidanka AMISOM oo ay uga hadlayaan qaraxyadii Maanta ka dhacay deegaanka Buurane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,mana cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkaas.