Khasaaraha ka Dhashay Qarax ka Dhacay Magalada Dhuusamareeb.

Ilaa Saddex ruux ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen qarax bam oo Maanta ka dhacay goob ay dadka isugu yimaadaan oo ku dhow Maxkamadda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Qaraxa ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu ahaa miinada nooca dhulka la geliyo,iyada oo goobta uu qaraxa ka dhacay Jaad ( qaad) lagu iibiyo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ay sameeyeen howlgallo kala duwan,isla markaana ay xiraan hal Ruux oo laga shakiyey.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo ay geysay dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo taabacsan hoggaanka Ahlusunna oo dowladda Soomaaliya ku khilaafsan doorashadii ka dhacday Magaaladaas.