Kenya Oo la Halgamaysa Yaraynta Dadka Isticmaalka Daroogada Heroin-ta ah Oo Korodhay.

Kenya ayaa la halgamaysaa dhibaatada ka dhalatay dadka isticmaala daroogada heroin-ta oo sii kordhaya.

Sideeddii sano ee tagay, tirada dadka Kenyan-ka ah ee isku duraya daroogada ayaa sare u kacay 50%, waxaana badankood ay isku duraan daroogada heroin, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka dalka.

Dadka isticmaala daroogada ayaa inta badan dhallinyaro ah, kuwaasoo ay daroogada ku qasabtay cadaadiska kaga imanaya kuwa kale ee adgeesada, iyo culeyska saboolnimada iyo shaqo la’aanta, islamarkaana, in la helo daroogada heroin ma ahan wax dhib badan.

Magaalada xeebta ah ee Mombasa ayaa ah xarunta ugu weyn ee la mariyo daroogada ka imaneysa Afghanistan ee loo wado dalalka Reer Galbeedka.

Sidoo kale dhalinyarada ayaa daroogada ku hela qiimo jaban waxaana qaadashada halkii mar ay tahay 150 shilling, una dhiganta 1.45 dollar, sida uu qof daroogada isticmaali jiray u sheegay Reuters, qiimahaas ayaa shan goor ka yar inta ay daroogada ka joogto Mareykanka, sida ay ku warrantay QM.

Ururka dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa dhowaan isbitaalkii ugu horreeyey ee uu ku leeyahay Kenya ka furay magaalada Kiambu, oo 20 km waqooyi ka xigtay caasimadda Nairobi.

Isbitalkan ayaa caawimaad u yabooha dadka qabitimay daroogada, oo loo furo barnaamij dhaqan celin ah, taasi oo siisa daawo maalmeed ka baabi’isa qabatinta.