Kabtanka Senegal Oo Xidhay Calaamad Gaar Ah, Maxayse Ahayd.?

Kabtanka xulka Senegal Kalidou Koulibaly ayaa ciyaartii udumbaysay kulamadii Group A ee dhex martay xulkiisa iyo xulka dalka Ecuador soo xirtay calaamad gaar ah oo lagu xasuusanayay ciyaaryahankii hore ee xulka Senegal Papa Bouba Diop, kaasoo geeriyooday labo sano ka hor.

Diop, oo geeriyooday isaga oo ay da’diisu tahay 42 jir ayaa lagu xasuustaa goolkii uu ka dhaliyay Farance ciyaartii furitaanka koobkii aduunka ee 2002, waqtigaas oo ay Senegal gaadhay wareega 8 dhamaadka.

Calaamadda kabtan nimada ee uu ciyaaryahan Koulibaly xidhay ayaa waxa ku qornaa lambarka “19” – kaas oo ahaa lambarka garanka/funaanadii ciyaaryahan Diop uu ka xidhan jiray xulka Senegal.

(Visited 15 times, 1 visits today)