Jabhadda FRUD Oo sii Daysay Askar ay ka Afduubatay Ciidamada Djibouti

Taliska ciidanka milatariga Djibouti, ayaa sheegay in la soo daayey lix askari oo katirsan ciidanka Djibouti, kuwaasoo ay afduubteen jabhadda mucaaradka ah ee FRUD.

Afduubkan ayaa yimid kadib markii weerar lagu qaaday xero ciidanku ku leeyahay gobolka Todjorrah, waxaana Weerarkaasi ku dhintay toddoba askari.

Taliyaha ciidanka Djibouti, Gen Sakariye Sheekh Ibraahim, ayaa xaqiijiyey in askartaa lasoo sii daayey, iyadoo dawladda Djibouti ay jabhaddaasi FRUD u aqoonsatay urur argagixiso ah.

(Visited 4 times, 1 visits today)