Jabhadaha TPLF iyo OLF-Shane Oo Isbaheysi ka Dhan ah Xukuumada Abiye Samaystay.

Dagaalka ka socda Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa galay marxalad cusub, waxaana hada laga cabsi qabaa in Jabhada TPLF in weerar kusoo qaadaan magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Jabhadda Shene OLF oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada ayaa isbaheysi cusub la sameesatay jabhada TPLF, waxa ayna labada jabhadood ku heshiiyeen in ay midoobaan si ay u xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah ciidamada federaalka.

Isbaheysigan cusub ay sameesteen kuna mideeyeen ciidankooda jabhada TPLF iyo Shene OLF ayaa noqon karta halis cusub uu soo wajahday dowlada Itoobiya gaar ahaan caasimada Adis Abababa oo laga cabsi qabo in weerar ku galaan.

Ciidamada labadan jabhadood ayaa hada isku diyaarinaya in ay u ruqaansadaan dhinaca magaalada Adis Ababa, waxaana jabhadana dagaaladii ugu dambeeyay ka sameeyeen horumar iyagoona ku qabsaday magaalooyin dhoor ah.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay shacabka Itoobiya in ay hubka qaataan si ay isaga difaacaan duulaanka jabhada TPLF uu sheegay in ay taageerayaan ajaaniib isugu jirta cadaan iyo madow.