Jabhada TPLF Oo Lagu Eedeeyay Inay Dad Beeralay ah ku Laayeen Gobolka Amxaarada.

Dagaalyahanada kooxda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee Tigray ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen deegaanno dhowr ah oo ay ku nool yihiin dad rayid ah horraantii bishan,sida dad goobjoogayal ah sheegeen.

Tiro dad ah ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen weeraradaas ama ay ku dhaawacmeen kadiba markii ay weerar ku qaadeen tuulooyin hoostaga magaalada Kobo ee dalka Itoobiya.

Kooxda Tigray ayaa horraantii bishan weeraray dad beeraley ah oo ka hor yimid markii ay qabsanayeen dhul ku yaalla dhimaca gobolka Amxaarada, iyagoo sidoo kale dab qabadsiiyay guryo halka rasaas nool nool ay dadkii rayidka ahaa ku fureen, sida ay sheegayaan goob joogayaasha.

Dad badan ayaa isaga qaxay deegaanka ay weerareen jabhadu, bale TPLF ayaana weli ka hadlin eedeymahan loo jeediyay.