Jabhada Tigrey Oo Dagaal kula Wareegtay Magaalooyin Muhiim ah.

Magaalooyin muhiim ah ayaa galey gacanta dagaal yahano isku magacaabay ciidamada Tigreega.

Dagaal culus ayaa wuxuu ka socdaa hareeraha buuraha Tembien, dagaal yahano la baxey ciidamadaTigreega, ayaa lasoo warinayaa iney la wareegeen gacan ku heynta magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla gobolkaasi, sida ay sheegayaan ilo wareedyo iyo dadka deegaanka kusugan.

Magaalooyinka muhiimka ah waxaa kamid ah Adigrat, taasoo magaalo istaraatiijig ah, una jirta soohdinta Eritrea 45km.

Sida ay sheegayaan dagaal yahanada Tireega, hareeraha magaalada Tembien, oo ku taalla jihada waqooyi galbeed ee magaalada Mekelle, ayuu ka bilawdey dagaalka June 18-kii.

Madaxa isgaarsiinta ciidamada qalabka sida ee Itoobiya, Colonel Getnet, ayaa sheegay iney jireen hawlgallo mucayin ah, kuwaasoo lagu ugaar sanayey hoggaamiyeyaasha jabhadda TPLF.
Xigasho BBC