Jabhada Canfarta Oo la Wareegtay Magaalada Cundhufo Ee Gobolka Sitti.

Halkani waa magaalada cundhufo oo ay canfartu lawareegtay, horay waxay canfartu u qabsadeen magaalooyinka cadaytu iyo garbo ciise, maantana Cundhufo ayay ku dhex dabaaldagayaan, dagaalkaasi umay kala hadhin canfar dawlad iyo shacaba way u dhanyihiin.

Balse waxaa layaableh dadkaa soomaaliyeed ee la gummaadayo ee cidna ayna u gurmaynayn! Dawalad deegaanka soomaalida ee uu mustafe cagjar madaxweynaha u yahay waxaba dhag-jalaq umaysiin dadkaa soomaliyeed ee la barakicinayay.

(Visited 5 times, 1 visits today)