Itoobiya Oo Shaacisay In 255 Qof loo Xidh-xidhay Isku-daygii Afganbi Ee ka Dhacay Gobolka Amxaarada.

Gudiga xaqiiqo raadinta ee dhawaan loo magacaabay inay baadhitaan ku sameeyaan afganbigii dhicisoobay ayaa shaaciyay in falkaasi loo xidh xidhay 255 qof waxaana, 212 qof lagu xiray gobolka Amxaarada halka 43 qof oo kalana laga qabtay caasimadda Adis-ababa.

Gudiga ayaa dadkii ka dambeeyay afgambigii gobolka Amxaarada ku eedeysay inay doonayeen in ay laayaan masuuliyiin ka badan inta ku dhimatay , waxaana weerarradaasi Sabtidii ku dhintay shan masuul oo sare oo uu ka mid yahay taliyihii guud ee ciidammada Seare Mekonnen, arrintaas ayayna dawladdu ku tilmaantay isku day inqilaab.

Saddex ayaa ku dhimatay gobolka Amxaarada labo kalana waxay ku dhinteen magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Guddigan oo ka kooban laamaha ammaanka iyo waaxda caddaaladda ayaa loo aasaasay sidii ay baaritaan ugu sameeyaan dhacdadii Sabtidii ka dhacday gobolka Amxaarada, iyadoo Khamiistii uu xisbi mucaaradka ee amxaaradu uu sheegay in la xiray 50 ruux oo xubno ka ahaa xisbigooda.

Laamaha ammaanka ayaa qabtay 27 qori AK , 47 rayfal labo qori oo kuwa darandooriga u dhaca ah iyo bistoolado aan tiradooda la shaacin.

Sidoo kale Guddigan xaqiiqo raadinta ah ayaa baaritaan ku haya inuu xiriir ka dhaxeeyay dilka ka dhacay gobolka Amxaarada iyo kan Addis Ababa ee lagu khaarajiyay labada Janaraal, iyadoo ay Dawladu sheegtay in uu xiriir ka dhaxeeyay.

Leave a Reply