Itoobiya Oo Ogolaatay In Dibu Eegis Lagu Sameeyo Natiijada Imtixaanka Fasalka 12aad Ee ay Somalidu ka Cabatay.

Wakaaladda Imtixaanaadka dalka Itoobiya ayaa goor dhawayd ogolaatay in dib loo eegis lagu sameeyo natiijadii Imtixaanaadka heer qaran ee fasalka 12aad, ee ay cabashada ka muujiyeen Ardayda Somalida ah.

Arrintan ayaa ka dambaysay kaddib markii cabashooyin badan Wakaaladda uga yimaadeen dhanka ardayda iyo waalidiintooda, oo dhakafaar ku noqotay natiijada ay wakaaladdu shaacisay maalinimadii shalay.

Haddaba Wakaaladda Imtixaanaadka heer qaran ayaa ardayda ka codsatay inay dulqaad muujiyaan intay dib u eegayaan natiijada oo ay sheegeen in maamlo gudahood ku eegi doonaan.

Wakaaladda ayaa maalinimadii shalay baahisay natiijada imtixaanka fasalka 12aad, taas oo inta badan ardaydu ku qanci waayeen.