Itoobiya Oo ku Gacan-saydhay Qorshaha Dawlada Masar Ee Biyo Xidheenka Wabiga NILE.

Itoobiya ayaa ku gacan saydhay qorshaha dowladda Masar ee qaabka uu u shaqeynayo biyo xireenka Itoobiya ay ka dhiseyso Webiga Nile gaar ahaan xadka Suudaan, waxnaa uu Wasiiraka biyaha Itoobiya, Seleshi Bekele sheegay in Masar ay dooneyso ka faa’iideysiga biyo xireenka taasina aysan aqbali doonin.

Qorshaha Masar ayaa ah in biyoxidhaanka aanloo isticmaalin in la buux-dhaafiyo, si ay fursad ugu hesho biyaha ay nolosheedu ku tiirsan tahay, halka ay Itoobiya kaga adkaysanayso in ay biyaha si buuxda u qaato si ay koronto uga dhalisa sanadka 2020 marka uu dhamaadka yahay

“Waxaa uu qorshaheenu yahay in biyo xireenka aan buuxinno xilli roobaadka soo socda, waxaan bilaabeynaa in aan ka dhalinno korontada bisha Diseembar ee sannadka 2020-ka” ayuu yiri wasiirka biyaha ee Itoobiya.