Itoobiya Oo ka Hadashay Baahida Ay Uqabto Isticmaalka Dekadda Berbera.(Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabilay wasiiru-dawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, Mr. Redwan Hussein oo uu wehelinaayo safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland, Amb Siciid Maxamed Jibriil iyo masuuliyiin la socday weftiga wasiiru-dawlaha.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo dawladda federaalka ah ee Itoobiya, arrimaha la xidhiidha isu-socodka labada dhinac ee ganacsiga iyo iskaashiga horumarineed ee waddada berbera corridor ay ugu horayso iyo isticmaalka dekeda Berbera.

Wasiiru-dawlaha arimaha Siyaasada dalka Itoobiya Redwan Hussein ayaa sheegay in ay baahi weyn u qabaan dekedo kala duwan ay wax kala soo degaan ayna muhiimad gaar ah siinayaan isticmaalka dekeda Berbera

Sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafo-guray sidii loo dhamaystiri lahaa heshiisyadii ay hore u galeen labada dawladood oo la joogo wakhtigii la dhamaystiri lahaa hirgelinta wixii hore la isugu afgartay ee dani ugu jirto labada shacbi iyo labada dawladood.