Ismaamulka Somaalida Itoobiya Oo Shaaciyay Halka Lagu Aasayo Meydka Prof Cali Khaliif Galeyr.

Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in Marxuum Cali Khaliif lagu duugayo magaalada Muqdisho oo berri meydkiisa loo qaadayo, halkaas oo dowladda Soomaaliya ay ugu samaynayso Aas-qaran.

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sidoo kale Magacaabay guddi ka shaqeyn doonaan baaritaano ku aadan waxyaabaha keenay geerida Marxuum.

Ra’iisul wasaarihii dowladdii ku-meel gaarka ahayd ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galayr ayaa maanta ku geeriyooday magaaalda Jigjiga ee dalka Ethiopia.

Cali Khaliif Gallaydh oo dhowaan tagay magaalada Jigjiga ayaa la sheegay inuu xanuunsaday Jimcihii lasoo dhaafay kadib markii uu xanuun kusoo booday.