Isbaheyga Khaliijka Oo Dhex-dhexaadinayo Ruushka Iyo Ukraine

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa Arbacada booqan doona dalka Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu kula kulmi doono wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ku bahoobay ururka iskaashiga Khaliijka (GCC), sida ay sheegeen laba sarkaal oo ka tirsan Khaliijka Talaada maanta.

Lavrov ayaa la filayaa in uu la kulmo Wasiirada Sacuudiga, Imaaraatka Carabta, Cumaan, Kuwait, Bahrain iyo Qatar oo ku sugan Xarunta GCC ee Riyadh, sida ay sheegeen saraakiishan oo codsaday inaan la magacaabin.

Ma cadda arrinta kulanka diiradda lagu saari doono, balse mas’uuliyiinta ayaa sheegay in lixda wasiir ee Khaliijka ay sidoo kale kulan fogaan-arag ah la yeelan doonaan wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine, Dmytro Kuleba, gelinka dambe ee Arbacada. Waxay ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan kulamadan.

Booqashada Lavrov ayaa imaneysa hal maalin kahor kulanka dalalka OPEC + ee ka dhacaya magaalada Vienna, iyadoo kooxda OPEC +, ay ku adkeysan doonto heshiiska wax soo saarka saliidda ee lagu heshiiyey sannadkii hore oo kor loo qaado bartilmaameedyada wax soo saarka bisha Luulyo, kaas oo la gaarsiin doono 432,000 oo foosto maalintii.

Reuters+VOA

(Visited 3 times, 1 visits today)