Iran Oo si Adag Uga Carootay Sawir Gacmeed Laga Sameeyay Hogaamiyihii Ruuxiga Iran.

Iran ayaa si caro leh uga fal celisay sawir gacmeed lagu daabacay wargeys ka soo baxa Sacuudi Carabiya, kaas oo loo ekeysiiyay hogaamiyihii Ruuxiga ee Iran, Ayatollah Khomeini.

Warkaasi ayaa la xiriiray warbixin uu Axaddiii daabacay wargeyska Sacuudiga ee ‘Al-Riyadh’, warbixintaas oo Iran lagu eedeeyay inay fulisay dilal qorsheysan.

Wasiirka wasaaradda arimaha dibedda Iraan, ayaa sidookale sawir gacmeedkaasi ku tilmaamay af-lagaaddo.

Iran Iyo Sacuudiga ayaa dhawaan si adag uga wada shaqeynayay inay dib u soo celiyaan xiriirkooda diblumaasiyadeed, kaas oo xumaaday sanadkii 2016-kii, kaddib markii dibedbaxayaal Iraaniyiin ah ay weerareen safaradda Sacuudiga ee Texraan.