Iran Oo Nidaam Jilicsan Ku Tilmaantay Dimuquraadiyada Maraykanka

Madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani ayaa sheegay in fowdadii ka dhacday xarunta baarlamaanka Mareykanka ay soo bandhigtay nuglaanta iyo sida ay qosol ku jabka u tahay dimuqraadiyadda reer galbeedka.

“Wixii aan ku aragnay Mareykanka shalay (Arbacadii) fiidkii iyo maanta waxay muujinayaan sida dimoqraadiyadda reer galbeedka u jilicsan tahay,” ayuu Rouhani ku yiri khudbad uu baahiyay telefishanka dowladda.

“Dimuquraadiyadu waxay ka jirtaa dalal barqaaqo ah oo sayniska hormar ka sameeyay, markiise uu xukunka qabtay koodii ay isku raaceen (Trump) wuxuu dalkiisa u horseeday masiibo afartii sano ee la soo dhaafay”

“Waxaan rajeynayaa in adduunka oo dhan iyo madaxda ku xigta ee Aqalka Cad wax ka baran doonaan”,