Iran Oo Maraykanka Ku Eedaysay Dib U Dhac Ku Yimid Visa-hii ay Kaga Qaybgalayeen Shirka UN-ta.

Wasiirka Arimaha Dibada ee IranMohammad Javad Zarif ayaa maraykanka ku eedeeyay inay ku guuldaraystaan inay dalkugalka ama Visa-ha u soo saaraan madaxda Iran ee ka qayb galaya shira qaramada Midoobay ee bishan dabayaaqadeeda ka dhacaya Magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Sidan waxa uu ku sheegay war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa tweeterka, inkasta oo aanu kala caday in dib u dhacan ku yimid Viisa-yaashu uu yahay mid xidhiidh la leh, go’doomintii dhinaca Visa-ha ayaa ee uu Maraykanku bishii July ee sanadkan saaray masuuliyiin reer Iran ah oo uu ku jiro Mr. Zarif laf-ahaantiisu,

Marka loo yimaad qoraalkii Tweeterka ee uu baahiyay wasiirka Arimaha dibada ee Iran ayaa waxa lagu yidhi

“Mr Pompeo waxa uu isku dayeysaa inay ka marmarsiiyo u sameeyo waajibka Mareykanka ka saran bixinta Visaha ee ergooyinka ka qayb galaya shirka qaramadamidoobay, iyada oo ay ka miiqato is kibrin iyo isla wayni

Cashar taariikhi ah, ayaa xusid midan in la soo xigto, laga yaabee in uu manta ku haboon yahay

Nelson Mandela wuxuu ku jiray liiska Argagixisada Mareykanka ilaa iyo 2008; 15 sano kadib markii uu qaatay bilada nabada aduunka ee Nobel Peace Prize.

Si astaba ha ahaatee qoraalkan ayaa waxa uu u dhadhan ekaa mid uu Wasiir Zarif kumuujinayoisla waynida maraykanka iyo madaxadaygiisa,isaga oo tusaale u soo qaatay Mandela oo uu maraykanku argagixiso ku tirinayay halka ay dunidu bilad nabadeed kaga maamuustay.