Iran Oo Daldalaad ku Dishay Nin ku Eedeysnaa Inuu Mareykanka U Gudbiyay Xogta Gantaalladeeda.

Iran ayaa shaacisay inay daldashay shaqaale hore oo ka tirsanaan jiray wasaaradda gaashaandhigga dalkaas oo la sheegay in uu xog u dusinayay Mareykanka.

Ninkan oo lagu magacaabo Reza Asgari ayaa la daldalay toddobaadkii lasoo dhaafay, sida uu weriyeyaasha u sheegay Gholamhossein Esmaili oo ah afhayeen u hadlay garsoorka dalkaas.

Wuxuu sheegay in Reza Askari uu xog u gudbiyay ha’yadda sirddoonka Mareykanka ee CIA-da, xogtaas oo ku saabsaneyd hubkeeda ama gantaalladeeda.

Reza Asgari wuxuu ka tirsanaa cutubka militariga u qaabilsan arrimaha hawada iyo diyaaradaha, wuxuu howlgab noqday sannadkii 2016-kii.

Afahayeenka u hadlay dowladda ma uusan sheegin xilliga la xiray Reza Asgari iyo sidoo kale waqtiga ay socotay dacwaddiisa ama xilligga xukunka lagu riday.