Iran Oo Askar Looga Dilay Xadka Pakistaan.

924Laba askari oo ka tirsanaa ciidaanka kacaanka Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan ayaa lagu dilay dagaal ay la galeen maleeshiyo hubeysan oo ka dhacay gobolka koonfur bari ee u dhow xadka Pakistan iyo Iiraan.

Iska hor imaadka labada dhinac ayaa ka dhacay deegaanka Keshtegan ee ismaamulka Saravan oo dhaca gobolka Sistan-Baluchestan.

Askarta dagaalka lagu dilay ayaa ka tirsanaa guutada Qudus ee ciidaanka Kacaanka Iiraan.

Weerarkaan ayaa waxaa dhanka kale uu dhaawac ka soo gaaray laba Askari.

Dagaalamayaal hubeysan ee ku sugan dalalka Ciraaq iyo Pakistaan oo xiriirka la leh ururada Al-qaacida iyo Daacish ayaa bilihii la soo dhaafay weeraro ku qaadayay ciidanka ilaalaada kacaanka Iiraan.

Leave a Reply