Iraan Oo Ka Digtay Bilawga Dagaal 3aad Ee Dunida Hadii La Soo Weeraro Dalkeeda

Wasiirka Arimaha Dibada ee IranMohammad Javad Zarif ayaa sheegay in dagaal ay dalkiisa ku soo qaadaan Sucuudiga iyo Ameerikaanku ay la micno tahay bilawga dagaal lagu halaagma oodunida oo dhan saamayn doona.

“Waxaan doonayaa in aan si adag u sheego in aanay Iran doonayn dagaal, in aanay Iran doonayn inay milatarigeeda ay hawl galiso, waxanse meesha ku jirta in Iran aanay ka gabanayn inay dalkeeda difaacdo” ayuu yidhi Mohammad Javad Zarif

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya waqti uu Xogahaya Arimaha Dibada ee Maraykanku Pompeo uu baaqasho ku joogay Sucuudiga karkalena ku celiyay in Iran ay ka dambayso weeraradii Ceelasha Saliida ee Boqortooyada.

“Waa Sucuudiga wadanka lagu xadgudbay, waa Sucuudiga dalka ciidiisa la sooweeraray, waa biilawga ama isku day colaad aloos ah falkaasi loomana dulqaadan karo” ayuu yidhi Pompeo oo safar ugu sii ambabaxayay dhinaca Imaaraatka carabta.

Iraan ayaa ku gacan saydhay eedayntaas, waxana ay marar badab ku celcelisay in aanay shaqo ku lahayn weerarkaas.