Isbedal Lagu Sameysay Amniga Kismaayo Kadib Weerarkii Hotel Cascasey.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in isbedal xoogan Jubbaland ay ku sameysay amniga magaalada Kismaayo, kadib weerarkii ka dhacay Hoteelka Cascasey ee magaaladaasi.

Ciidamada ammanaka ayaa sare u qaaday baaritaanada lagu xaqiijinayo nabad galyada, si looga hortago weeraro markale ka dhaca halkaasi.

Sidoo kale waddooyinka magaalada iyo xaafadaha lagu soo daadiyey ciidamo fara badan oo sugaya amniga, iyadoo xalay gabi ahaan Bandow lagu soo rogtay magaallo Xeebeedka Kismaayo, iyadoo hakad la galiyey dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Sabtidii la soo dhaafay ayey aheyd markii Al-Shabaab weerar ku bilowday Ismiidaamin ay ku qaadeen Hoteelka Cascasey oo ay daganaayeen Musharraxiin iyo mas’uuliyiin kale, kaas oo lagu dilay 26 Qof, laguna dhaawacay 56 kale.

Dhaq dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan la filayo in doorashada Jubbaland lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *