Weerar ku Bilowday Is-qarxin Oo Lagu Qaaday Hotel ku Yaala Kismaayo Iyo Raasta Oo Socota.

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in weerar ku billowday is-qarxin ayaa waxa xigay dagaal toos ah oo laggu qaaday Hotel Cas-caseey oo ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo.

Kooxda weerartay hoteelka ayaa la sheegay in qaraxa kaddb ay gudaha u galeen hoteelkaas oo ay dagganaayeen xubno ka tirsan Dowladda Somalia iyo maamulka Jubbaland, waxaana weli socda dagaal culus.

Sidoo kale, wararka la helayo ayaa sheegaya in goobaha la weeraray ay ku jirto xarun ay dhallinyarada isugu yimaadaan oo lagu magaaabo Maamuus oo aan ka fogeyn hoteelka.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa laga soo xigtay in weerarku uu ahaa mid si lama filaan ah ku billowday, isla markaana uu yahay mid culus oo u dhexeeya kooxaha weerarka soo qaaday iyo ciidamada maamulkaas ee gaaray halkaas.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhasay weerarkaas, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay jirto dhimasho aad u badan iyo dhaawacyo kale oo aan cadad lahayn, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ku sugnaa hoteelkaas oo ah mid ay dad badan ku sugnaayeen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalyahannada weerarka qaaday ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Hoteelka Cascaseey halkaas oo ay ka wadaan toogasho.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo inuu hotelka daganaa mid kamida ah musharixiinta Jubbalanad iyadoo la sheegay inay halkaas ka socdeen kulamo, ay qayb ka ahaayeen xubnaha dowladda Somalia ka tirsan iyo xildhibaanno ka socda baarlamaanka Somalia oo huteelkaasi ku sugnaa, iyadoo weerarku uu kusoo beegmayo waqti la filayo in bisha soo socota ay Kismaayo ka dhacdo doorashada xildhibaanada iyo midda hoggaanka maamulkaas.

Ururka Al-Shabaab ayaa durba sheegtay Mas’uuliyadda weerar iyo qaraxyo lagu qaaday Hotel ku yaal Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *