Muuse Biixi Oo Maanta Casuumad Loogu Ducaynayo Wiilkiisa ku Qabtay Gurigiisa.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa casuumada ku soo martiqaaday odayaal iyo haldoor ka soo kala jeeda guud ahaan beelaha somaliland kuwaas oo qaarkood ka yimaadeen gobolada dalka.

Waxyaabaha layaabka leh ee xubnihii ka qayb qaatay casuumadi ay ku arkeen madashii lagu martiqaaday ayaa ahayd in madaxweyne Muuse Biixi uu beel walba ka soo casuumay 20 qof, iyada oo beel walbana dhankeeda u filanaysay inuu kulan gaar ah la yeelanayo Madaxweynuhu, taas oo dareen gaar ah u yeeshay madasha.

Wararka bulshadu isla dhexmaraysay ayaa sheegayey in madaxweyne Muuse Biixi uu kulan gaar ah la qaadanayo waxgaradka beel ka mid ah kuwa dega gobolka Saaxil kuwaasi oo ubadnaa dhinaca martiqaadka loo sooryeeyay.

Si kastaba ha noqotee, Ujeedada Qadadan maanta uu Sameeyay Madaxweyne Biixi ayaa lagu sheegay mid loogu ducaynayay Arooska wiil uu dhalay Madaxweyne Biixi oo lagu magacaabo Maxamed Muuse Biixi oo Todobaadkan ka dhacday Dalka Jabuuti.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *