Liibiya Oo Farance ka Dalbatay in Sharraad ka Bixiso Hub loo Gacan-galiyay Ciidamada Jen Hafter.

Dowladda Liibiya ayaa Faransiiska ka dalbatay inuu sharaxaad ka bixiyo hub uu u gacan galay mucaaradka, iyadoo dhacdadaasi wax laga xumaado ku tilmaantay.

Hubkan oo ah gantaalada lagula dagaallamo gaadiidka dagaalka iyo diyaaradaha ayaa ciidammada dowladda Liibiya waxaa ay gacanka ku dhigeen bishii hore, markii ay dagaal xooggan mucaaradka la galeen.

Xukuumadda Liibiya ayaa usoo jeedisay Faransiiska inay sharraxaad ka bixiso sida uu hubkaa ku soo gaaray dalka Liibiya, iyo hannaanka uu ugu gacan galay ciidammada uu hoggaamiyo Jen Khaliifa Haftar oo doonaya inuu awoodda kala wareego dowladda la aqoonsan yahay ee dalkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Liibiya ,Maxamed Dahir Siala oo arrimo la xiriira hubkan kala hadlay ayaa sheegay inuu ku wargeliyay dhiggiisa dalka Faransiiska sharraaxad inay ka bixiyaan hubka yaalla Liibiya ee ay leedahay dowladda Faransiiska.

Jen Khaliifa Haftar , ayaa taageero ka hela dalal ay ugu horreeyaan Masar iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ku riixaya inuu la wareego awooda dalka Liibiya oo muddo qalalaase ku jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *