Khilaaf ka Dhex-qarxay Xisbiyada ku Bahoobay Xisbiga Haya Talada Dalka Itoobiya.

Khilaaf ka dhex-qarxay xisbiyo ka tirsan midawga Xisbiga haya talada dalka Itoobiya ayaa soo ifbaxay kadib markii Xisbiga Dimuqraadiga ee Amxaarada ee ADP ayaa weerar afka ah ku qaaday xisbiga xoreynta Tigreega ee TPLF kaas oo uu sheegay inuu halis ku yahay mustaqbalka Isbaheysiga haya talada Itoobiya.

Labadan xisbi ADP iyo TPLF ayaa ka mid ah afar xisbi oo ku bahoobay xisbiga (EPRDF) ee haya talada Itoobiya

Xisbiga Tigreega eeTPLF ayaa ku eedeeyay xisbiga Amxaarada inay la shaqeynayeen ciidammadii khaska waday isla markaasna ay carqaladeeynayaan amniga gobolka.

“Xisbiga ADP waa inuu eegaa xaaladda cakiran ee ka taagan gudaha, ayna baaritaan ku sameeyaan dhacdadii lagu dilay saraakiisha islamarkaana ay raalli galin ka bixiyaan” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xisbiga Tigreega ee TPLF.

Sidoo kale Xisbiga Amxaarada ee ADP ayaa shalay sheegay in aysan wax raalligelin ah bixin doonin, dhacdadaasi, iyagoo ku eedeeyay xisbiga Tigreega inay ku lug lahaayeen amni daradii ka dhacaday gobolkooda.

“Waa ay na garab istaagi lahaayeen xilligii aan dhibaatada ku jirnay, xisbiga TPLF ma baddali doono siyaasadihiisa musuqa ah” ayaa lagu yiri qoraal xisbiga ADP uu kusoo qoray Facebook.

Arrintani imaaneysaa xilli bishii hore isku day afgembi oo ka dhacay gobolka Amxaarada lagu dilay madaxweynihii gobolkaas Ambachew Mekonen iyo saraakiil sare, waxuuna khilaafkan soo kala dhexgalay saraakiisha ka tirsan isbaheysiga ka arrimiyo Itoobiya uu halis ku yahay midnimada iyo wada shaqeynta xisbigaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *