Dad Shacab ah Oo ku Dhintay Miinooyin ay Kenya ku Aastay Xuduuda ay la Wadaagto Somaliya.

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay 11 kalena way ku dhaawacmeen muddo 48 saac gudahooda kadib markii dawlada Kenya ay miinaysay xuduuda ay la wadaagto Somaliya.

Dadkaan ayaa ku dhintay miinooyin dhulka la geliyay oo ku qarxay Gaadiid ay saarnaayeen,  waxayna u badnaayeen Haweenka Soomaaliyeed ee ka ganacsada Gudaha Kenya kuwaas oo daggan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo ka ganacsada Caanaha iyo Qoraha la shito waxayna isaga gudbiyaan Soomaalida Waqooyi bari iyo Soomaalida Gobalada Gedo iyo Jubada Hoose.

Saraakiisa amaanka ee Jubaland ayaa sheegay in Kenya ay miinooyin badan ay ku aastay masaafo dheer oo isku xirta Xudduuda Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan Gobalada Gedo iyo Jubada Hoose.

Militariga Kenya ayaa sheegay in Miinooyinkaan ay isaga difaacayaan kooxda  Al-Shabaab oo had iyo jeer ka soo gala dalkooda xuduuda,         waxaa socda dedaalo dadka Soomaaliyeed loogu wargelinayo in aysan gaadiid ku marin Xudduuda labada dal maadaama ay buuxaan miinooyin badan oo ay ku aaseen Ciidamada Kenya.

Arintaan ayaa loo arkaa in ay halis ku tahay nolasha dad badan oo Soomaaliyeed oo daggan gudaha Kenya, gaar ahaan Gobalka Waqooyi Bari iyo Soomaalida dagan gudaha dalka.

Kenya oo Soomaaliya kula jirta muran dhanka Badda ah ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhisay tacadiyada iyo dhibaatada ay u geestaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalkeeda iyo kuwa ka gudba Xudduuda Soomaaliya ee gala gudaha Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *