Al Shabaab Oo Sheegatay Masuuliyada Weerarka ka Socda Hoteel ku Yaala Magaalada Kismaayo.

Ururka Al-Shabaab ayaa durba sheegtay Mas’uuliyadda weerar iyo qaraxyo lagu qaaday Hotel ku yaal Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in xoogagoodu ay weerar xooggan ku qaadeen Hoteelka Cascaseey

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi iyo Inqimaasi ah ku qaaday mid kamida Hoteellada ay deganyihiin saraakiisha maamulka Jubbaland” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Ciidammada amniga Jubbaland ayaa hareereeyay hoteelka , waxaana ay wararku sheegayaan in ugu yaraan saddex qof ay ku dhimatay, tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar ku billowday qarax gaari oo ka socda hoteelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo, balse ma jirto warbixin rasmi ah oo soo baxday hay’addaha amniga.

Hoteelka uu weerarka ka dhacay ayaa inta badan waxaa degga xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka, mas’uuliyiinta Jubbaland iyo qurbajoog, ma cadda inay mas’uuliyiin weerarka wax ku noqdeen.

Weerarkan ayaa ku soo aadday xilli Jubbaland ay u diyaar garoobayso doorashada madaxweynaha ee dhacaysa dabayaaqada sannadkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *