Beesha Madaxwayne Axmed Madoobe Oo Go’aan Adag kasoo Saaray Doorashada Jubaland.

Shir ay Beesha Kuumade ee Axmed Madoobe ku yeesheen magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan xaaladda Jubbaland, Doorashooyinka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha shirkaasi kasoo qeyb galay ayaa ka kala yimid dunida dacaladeeda, kuwaasoo dawlada Somaliya ku eedeeyay inay faragelin ku heyso Doorashada Jubbaland, isla markaana la diidsiiyey xaqii ay ku lahayd dowaldda federaalka, iyadoo mas’uuliyiintii uga midka ahaa dowladda denbiyo lagu soo oogay, weliba ay bannaan yihiin xilalkaasi.

Waxay Baadil ku tilmaameen qoralkii kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ee habraaca doorashada Jubbaland, waxayna ku tilmaameen inuu ahaa qas abuur lagu khalkhal gelinayo nabadda Jubbaland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Beesha Kuumade ay isku raacday inuu musharaxeeda kaliya ee doorashada Jubbaland uu yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaana loo mahad celiyey Puntland oo ka hor timid faragelinta dowladda Federaalka.

Halkaan ka Daawo<a href="http://<iframe src="https://www.facebook.com/plugins/video.php?href=https%3A%2F%2Fwww.facebook.com%2FJLTVOfficial%2Fvideos%2F450612772425527%2F&show_text=0&width=560" width="560" height="315" style="border:none;overflow:hidden" scrolling="no" frameborder="0" allowTransparency="true" allowFullScreen="true">http://<iframe src=”https://www.facebook.com/plugins/video.php?href=https%3A%2F%2Fwww.facebook.com%2FJLTVOfficial%2Fvideos%2F450612772425527%2F&show_text=0&width=560″ width=”560″ height=”315″ style=”border:none;overflow:hidden” scrolling=”no” frameborder=”0″ allowTransparency=”true” allowFullScreen=”true”></iframe>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *