Labo Qarax Oo Is-xigay Oo ka Dhacay Caasimada Dalka Tunisiya.(Sawiro)

Laba qarax oo isxigay ayaa galabta ka dhacay magalada Tunis ee caadimada dalka Tunisia, waxaana ku dhintay hal Askari oo booliis ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen Labo askari iyo saddex ruux oo shacab ah, sida ay masuuliyiin dalkaasi sheegeen.

Qaraxa labaad oo ahaa qof naftii haliga ah uu wax yar ka dib isku qarxiyay meel u dhaw xarun booliis oo ku taalla deegaanka al-Qarjani oo ee caasimadda, waxaana ku dhaawacmay weerarkaasi labaad afar qof oo kale,sida ay sheegtay wasaarada arimaha gudaha ee dalkaasi.

Ma jirto cid isla markiiba sheegatay masuuliyadda weerarkaas.

Weerar noocan oo kale ah ayaa dhammaadkii sannadkii hore ka dhacay waddada Xabiib Bayriiqah, halkaas oo ay ku dhaawacmeen sagaal ruux, iyadoo sannadkii 2015 weerar lagu qaaday madxafka caasimadda kaasoo lagu dilay 22 qof, weerarkaasna waxaa qaaday malayshiyo lala xiriiriyay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *