Akhriso:-Taariikh-nololeedkii Abwaan Cabdillaahi Ciise SINGUB Oo Geeriyooday.

Allaah ha u naxariistee waxa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ku Geeriyooday Abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise (Sangub).

Abwaanka Xaalad Caafimaad-darro u yaallay Cisbitaal ku yaalla Magaalada Addis Ababa, halkaasi oo uu ku Geeriyooday Maanta gelinkii hore.

Abwaan Xersi Dhuux oo kamid ah golaha abwaanada Soomaalida ayaa xaqiijiyay geerida Abwaan Sangub.

Taariikhda Abwaan Marxuum Sangub

Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub), wuxuu ku dhashay baadiyaha magaalada dhagaxbuur dhulka Is-maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, sannadkii 1944, halkaas oo uu ku barbaaray.

Abwaanka ayaa ku geeriyooday da’da 76 jir, waxa uuna ka tagay 23 carruur ah iyo 2 xaas.

Sangub markii da’diisu shan jir gaadhay ayuu ku bilaabmay u hilowga fanku. Dhalinyaranimadiisii, wuxuu ku soo caan baxay ciyaaraha dhaqanka, gaar ahaan ciyaarta “Dhaantada” Ka sokow dhinaca Ciyaaraha dhaqanka Sangub, wuxuu ahaa gabayaa ka hida qaba qoys wada gabya, sida aabihii, abtiyaashii iyo walaalihii intuba way gabyi jireen.

Bilowgii sannadkii 1961 ayuu tagay magaalada Hargeysa oo uu muddo kooban Joogay, isla sanadkaas ayuuna u wareegay magaalada Muqdisho

Waxa uu abwaanku caan ku ahaa samaynta riwaayadaha iyo curinta heesaha. Waxa uuna lahaa heeso iyo riwaayado badan oo caan baxay.

Riwaadaha sida wayn loogu xasuusto waxaa ka mid ahaa:

Waa Maadays Adduunyadu Dadkuna waa Matalayaan,
Naga Guur
Lamood noqonse wayday.
Yaxaas dhega-duub
Qabrigii Jacaylka.
Xuudbaa liqay Jacaylkii
Xuskii Jacaylka,
Xoriyo nin geyaa ha guursado.
Gari ma kaa baxdaa
isuma qado
Xaajo Ugub, Geedigaa Kaa lumay iyo Qabyo oo uu sameeyey burburkii kaddib.

Sidoo kale waxa lagu xasuustaa ruwaayadii Ummad Wada Qorqodo ah baan Wax u Qeybi Leeyahay, iyo kuwa kale sida Heestii Afrikaay Hurudooy.

Abwaan Singub waxa uu ka mid ahaa hal abuuradii ugu caansanaa ee taariikhda fanka Soomaaliyeed soo mara, waxa uu sanadihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, oo uu ka sameeyay koox la yiraahdo Deegaan kuwaas oo masraxyada la isugu yimaado ka dhiga heeso iyo riwaayado dhamaantood ka tarjumaya in dib loo dhiso Soomaaliya lagana gudbo kala qaybsanaanta.

Abwaan Singub ayaa burburkii kaddib ku noolaa dalka Jabuuti oo uu kusoo dhaweeyey madaxweyne Cismaaciil Cumar Geelle, asagoo waayadii dambena u wareegay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale waayadii dambe ahaa guddoomiyaha golaha abwaanada Soomaalida.

Waxaana la sheegaa in uu ahaa Abwaanka labaad ee Soomaali ugu riwaayadaha badan Waxaana ka horreeya oo kaliya Axmed Saleebaan Bidde.

Waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa abwaanka kaliya ee suugaantiisu ay Soomaaliya dhaafsiisnayd, Suugaantiisa ayaana u badnayd gumaysi diid iyo mid uu ka sameeyey xornimo doonkii Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *