Suldaan Samatar Oo Tacsi U Diray Ehelada AHUN Marxuum Xil.Cali Aareeye.

Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska iyo qaraaba uu ka baxay AHUN Xildhibaan Cali Macalin Areeye oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland oo ku geeriyooday dalka Turkiga oo arimo caafimaad loo geeyay.

Suldaanka oo ku hadlayay Afka dhaqanka beelaha uu matalo ayaa Marxuunka Alle uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, eheladiisa, qaraabadiisa, xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland iyo Shacabka reer Somalilandba eebe u waydiinayaan in uu samir iyo iiman ka siiyo, Marxuunkana Janadii Farduusa ku arsaaqo

Suldaan Samatar ayaa marxuumka ku sifeeyay xildhibaan hadal cad cad, islamarkaana u hadli jiray danaha dadka iyo degaanadii laga soo doortay, waxana uu ka mid noqday dadii ka qayb qaatay dib u heshiisiintii iyo dib u dhiskii Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *