Imaamka Masjidka Xaramka Sudeys Oo Beeniyay In Xilkii Laga Qaaday

Waxaa soo baxayay warar ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta baraha bulshada oo ku saabsan in Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys xilka Xaramka looga qaaday khudabadiisii 4-tii bishan ka jeediyay masjidka xaramka.

Balse wararkaasi ma aysan xaqiijinin warbaahinta dalka Sacuudiga iyo sidoo kale maamulka wadankaas. Waxaana lagu tilmaamay kuwo aan sal lahayn oo aysan caddeyn meesha laga soo xigtay.

Sheekh Cabdiraxmaan Al Sudeys, ayaa 48-kii saacadood ee ugu dambeeysay uu watay howlihiisa uu ka hayo Xaramlka.

Sida lagu daabacay bogga Facebook Xaramka, sheekh Sudeys ayaa shalay oo ay taariikhda ku beegnayd 15 bisha September, kormeer ku sameeyay qeybta biyaha Zamzamka ee lagu shubay dhalooyiin si loogu qeybiyo dadka Xaramka ku sugan.

Wadaadka ayaa waxa uu gaar ahaan u kuur galayay sidii loo ilaalin lahaa nadaafadda maadaama uu caalamka imika ka jiro fayraska Corona, isagoo sidoo kale 7 saacadood ka hor kormeeray goob la dhigay qalab loogu talagalay xaaladaha degdegga ah oo laga sameeyay ilinka laga galo Xaramka.

Sidoo kale, 9-kii bishan, waxaa bogga rasmiga ah ee Al-Xaramayn lagu qoray in “dad yar ay si micno la’aan ah u fasireen khudbadii Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys”.

Sheekh Cabdiraxmaan Sudays ayaa si caadi ah u sii watay shaqada Imaanka oo mararka qaar wuxuu tujinayay salaadaha, sida ka muuqata muuqaallada bogaggaas lagu daabacay, Taasoo meesha ka saareysaa arrinta ah in Sheekh Cabdiraxmaan Al Sudays laga joojiyay howsha uu ka hayo labada Masjid ee barakeysan ee Kacbada iyo Nabawi.