Imaamka Al-Azhar Al-Shariif Oo Digniin Adag ka Bixiyey Diin Cusub Oo la Faafinayo

Imaamka Jaamacadda Al-Azhar Al-Shariif, Shiikh Axmed Al-Tayib ayaa weerar cad ku qaaday Diinta cusub ee Ibraahimiyada’ isagoo ku tilmaamay Riyo aan rumoobeyn oo lagu doonayo in dib loogu soo nooleeyo khilaaf soo jiitamayey muddo dheer.

Ilaa iyo hadda si rasmi looma shaacin ama looguma dhawaaqin diintan cusub ee loogu magac daray ‘Diinta Ibraahimiyada’, mana laha wax aasaas ah iyo dad aaminsan toona.

Balse, waa mashruuc in muddo ah hadal heyntiisu ay socotay, taasoo lagu sheegay iney tahay diin lagu mideynayo ama laga soo min guuriyey caqiidooyinka ugu muhiimsan ee seddexda diimood ee Muslimka, Kirishtanka iyo Yahuudda loona bixiyey diinta Ibraahimiyada iyadoo loo nisbeynaya Nabi Ibraahim (CS).

Hadafka mashruucan laga leeyahay ayaa wuxuu yahay “in ahmiyad gaar ah la siiyo xirirka diimaha iyada oo laga fogaanayo wax kasta oo isku dhac keenaya ama bulshooyinkana isku dhac ka dhex abuuraya.

Ujeeddada la sheegay iney diintan cusub ka dambeysa waxaa lagu sheegay iney tahay in “Bulshooyinka iyo waddamada dhexdooda nabad laga dhex abuuro si khilaafka meesha looga saaro.

Al-Tayib wuxuu shaaca ka qaaday inuu diiday casuumaad loo fidiyey oo ku adadan Diintan cusub ee Ibraahimiyada”. Wuxuuna khudbaddiisa uu su’aal ku geliyey ujeeddada casuumaaddu iney tahay in dadyowga diimaha kala duwan aaminsan la isaga horkeeno.