Ilmo Sheekh Oo la Kulmay Madaxweynaha Jubbaland (Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa hoyga uu ka dagnaa magaalada Muqdisho kulamo kala gaar kula qaatay Madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Axmed Madoobe iyo labada Madaxweyne hore ayaa kawada hadlay arrimaha doorashada iyo amaanka gaar ahaan qodobadii kasoo baxay shirkii golaha Wadatashiga qaran ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

Madaxdii hore ee Soomaaliya ayaana u sheegay Madaxweynaha Jubbaland in ay taageersan yihiin qodobada kasoo baxay shirka golaha Wadatashiga , waxa ayna ugu baaqeen in laga shaqeeyo hufnaanta doorashada laguna soo gabagabeeyo waqtiga loo qabtay.

Midowga musharaxiinta madaxweynaha ay katirsan yihiin Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa taageeray shirka golaha wadatashiga ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay, iyadoona talaayinkii ay dhiibeen musharaxiinta qaarkood la qaatay.