Ilhaan Cumar Oo la Dul-dhigay Ganaax Lacageed

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in dhaqaalaha ololihii doorashadii Mareykanka u adeegsatay si gaar ah.

Guddiga maamula dhaqaalaha ee Minnesota ayaa sheegay in ay jebisay xeerka gobolka, waxayna saareen ganaax lacageed.

Guddiga ayaa sheegay in Ilhaan ay isticmaashay lacag gaareysa $3,500 oo dollar oo ay ku bixisay safar ay ku aaday Florida iyo qeyb ay ku bixisay canshuur celintii ay sameysay.

Waxay guddiga sheegayaan in ay heleen cadeyn ah in Ilhaan Cumar kooxdii ololaha u qaabilsanayd ay u iibiyeen tikit diyaarad oo Boston ay ku tagtay, halkaas oo ay uga qeybgashay kullan siyaasadeed.

Sidoo kale Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale lagu helay in lacagta ay u adeegsatay safarkeedii Chicago, si ay u aqbasho abaalmarin la siiyay iyo dhaqaale uruurin ay sameysay, iyadoo qeyb ka mid ah lagu bixiyay hoteel ay ka degtay Washington D.C” oo ay uga qeybgashay wareysiga shirka UN ee Girl UP.

Sida uu qabo sharciga Gobolka, safarrada waa in ay noqdaan kuwo la xiriira arrimaha xafiiska”. Sida guddiga uu sheegay, Ilhaan Cumar, waxay ahayd wakiilka Gobolka markii “xeerka lagu xudgudbay.”

Sidoo kale, waxaan Ilhaan lagu helay in $1,500 oo dollar, lagu bixiyay arrimo la xiriiray sixidda cashuur celinteeda, taas oo aan la xiriirin ololihii doorashada. Waxayna dalbadeen in la soo celiyo. Waxaana la saaray ganaax gaaraya $500 oo dollar.

Ilhaan Cumar ayaa arrintan ku eedeysay inay ka dambeeyaan dad leh dano siyaasadeed, balse qoraal ka soo baxay gudigii ololaha u qaabilsanayd ayaa lagu sheegay in ay ku faraxsan tahay in baaritaankan uu dhammaaday ayna ka go’an tahay in ay u hoggaansanto go;aanka ay soo saareen guddiga baadhista.

Leave a Reply