Hoggaamiyihii Baxsadka ahaa Ee Tigray Oo Markii Ugu Horreysay Farriin soo Diray.

Hoggaamiyaha baxsadka ah ee gobolka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa markii ugu horreysay farriin soo diray muddo ka badan labo bilood oo uu dagaal ka socday gobolkaas.

Debretsion ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay baaraan tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha oo ay geysteen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea isla markaana ku tilmaamay inay geysteen xasuuq.

Wareysi laga qaaday Debretsion Gebremichael oo lagu daabacay bogga Facebook uu ku leeyahay raadiye maxalli ah ayaanan la ogeyn xilligga laga soo duubay ama halka ku sugan yahay.

Hogaamiye Debretsion ayaa xaqiijiyay in xubno sar sare oo ka tirsanaa TPLF ay dileen ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda.

Debretsion Gebremichael ayaa tan iyo bishii Nofembar dhuumaaleysi ku jiray kaddib markii uu ka cararay caasimadda gobolkii uu maamulayay ee Mekelle oo ay qabsadeen ciidamada dowladda, waxaana la sheegay inuu weli dagaalku ka socdo qeybo kamid ah gobolkaasi Tigray.

Ha’yadaha gargaarka waxay sheegeen in malaayiin qof oo ku nool gobolka ay u baahan yihiin gargaar banii’aadanimo.