Hoggaamiyaha Ruuxiga Iran Oo Eedeyn Kulul U Jeediyayay Midawga Yurub.

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei ayaa maanta khudbad uu ka jeediyay salaadii ciida Odxa ku sheegay in midawga Yurub ay ku guul darreysatay inay badbaadiso heshiiska caalamiga ah ee nukliyeerka ka dib markii Washington ay ka baxday.

Ayatollah ayaa midawga Yurub ku eedeeyay inay sameynayaan balanqaadyo qarsoon oo wax lagu yeelayo dhaqaalaha Iran, isagoo xusay in wadamada Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ay doonayeen inay sii wadaan heshiiska lagu xakameeyo himilada nukliyeerka Tehran.

Dhinaca kale Madaxweyne Trump oo dhaleeceeyey heshiiska ayaa Mareykanka ka saaray laba sano ka hor, isagoo intaasi ka dib soo rogay cunaqabateyn ballaaran oo looga golleeyahay inuu ku qasbo Iran inay dib ula xaajooto.